Sunday, September 14

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta Safaarada Turkiga ee gudaha Caasimada, isagoo halkaasi kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye iyo Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud. Amb. Alper Aktaş iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda ayaa yeeshay kulan ay uga hadleen arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa ugu horeyn lagu falanqeeyey xaaladaha deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo, iyo muhiimada ay leedahay in laga baaqsado colaad mar kale soo laabata.

Khaatumo oo weli maamul buuxa aanan noqon ayaa wada dadaalo dheeri ah, oo ay dooneyso in ay kula macaamisho dowladda dhexe iyo dowladaha Soomaaliya taageera.

Exit mobile version