Saturday, September 13

Maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal loo heysto dilka muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo sida la sheegay lagu dilay duleedka Baladweyne

Ragga gacanta lagu soo dhigay ayey tiradooda gaareysaa 3-qof, waxaana lagu eedeeyey in ay 22-kii Bishan, tuullada Hiiraan- Bile oo 6-km u jirta Baladweyne ay ku dileen nin lagu magacaabayey Marxuum Duqow Hilowle Isaaq.

Marxuumka la dilay waa 38- sano jir, wuxuuna ahaa darawal kaxeeya gawaarida dad weynaha ee loo yaqaan hoomeyda,

Xiliga uu dilku dhacayey marxuumka ayaa ku jiray safar, waxaana la socday xubno ka tirsan qoyskiisa, isagoo ku sii jeeday Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Lama ogga sababta rasmiga ah ee ay dilka ugu geysteen marxuumka, balse soo qabashadooda waxaa kaalin mug leh ka qaatay shacabka Baladweyne, kuwaas oo aad uga carooday falka ay ku kaceen 3-da nin.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version