Thursday, September 11

Waa dhab Dunida waxaa weli ka jira, midab takoor lagu hayo dadka madow, waana tan sababtay in la curiyo hal ku dhiga ah nolosha dadka madoow macno ayey leedahay .

Gudaha dalka waxaa weli soomaalida dhexdeeda muddo aad u dheer caado ka ah, heyb sooc iyo faquuq loo geysanayo qabaa’ilo Soomaaliyeed, taas oo keeneysa in muwaadinka Soomaaliyeed uu aamino inuu ka sareeyo dhanka isirka iyo abtirka muwaadinka kale ee ka soo jeeda beelaha la faquuqo. Iyagoo had iyo jeer ku dura hadalo qadaf ku ah shaqsiyadooda.

Guurkooda oo laga fogaado, shaqooyinka ay qabtaan oo laga faano, iyo kaalintooda siyaasadeed oo .5 lagu qiimeeyo ayaa ka mid ah caqabadaha ku gadaaman nolosha dadka la takooro.

Ma jirto tirakoob qaran iyo mid qabaa’l oo lagu sameeyey bulshada Soomaaliyeed, haddana waxaa dadkan loogu yeeraa kuwa laga tirada badan yahay.

Dadka ka soo jeeda beelaha la heyb sooco
ee abuurtay fursadaha shaqo, ayaa lagu colaadiyaa howlaha ay hayaan, waxeyna xirfadlayaashan sameeyaan, Agabka ugu badan ee aqalada soomaalida laga isticmaalo,daruurina u ah nolosha dadka s
Soomaaliyeed, balse mahadnaq iyo dhiira galin intaan la gaarin, waa dad wax soo saarkooda ka dhaxla erayo aan qurux badneyn oo ay bulshadu ugu yeerto.

Guurka oo ka mid waxyaabaha bud dhiga u ah nolosha aaddanaha ee uu ku hamiyo noole kasta lab iyo dhedigba, diintuna baneysay ayuu heyb soocu ku noqday caqabad lixaad leh.

Qoysaska Lamaanaha is calmaday ayaa u dhaba gala reerka uu ka soo jeedo shaqsiga wiilkooda ama gabadhooda uu xiriirka jaceel la leeyahay, waxaana marka la oggaado in ruuxaaas uu ku abtirsado beelaha la heybsooco dhacda inuu baaqdo guurka, lana dhaleeceeyo dadka is calmaday

Hadey lamaahana ku adkeystaan in ay noloshooda sii wataan, waxaa dhibaato af iyo adinba leh loo geystaa qoyska qofka ka soo jeedo beelaha la heysooca,

Sidii ku dhacday muwaadinkii Axmed Dowlo, kaas oo guur arrimo heyb sooc la xiriira nolosha loo dhaafiyey, waxaana aad u xanuub badnaa qaabkii uu dilkaasi u dhacay, oo dad badan argagax ku reebay

Arrintan ayaa si looga gaashaanto u baahan, wacyi galin ballaaran oo bulshada la siiyo, iyadoo door weyn ay ka qaadanayaan culumada bahda hal abuurka iyo dadka horseedka u ah Soomaalida.

Exit mobile version