Thursday, September 11

Tan iyo markii Cristiano Ronaldo uu u baqoolay horyaalka Sacuudiga, wuxuu noqday mid aad loo xiiseeyo isla markaana leh xamaasad sareysa.

Ku biiiritaanka Neymar ee kooxda Al Hilal, ayaa mar kale horyaalka sacuudiga ku jeedisay indhaha taageerayaasha jecel kubbada cagta ee ku kala sugan daafaha dunida.

Xidigga kubbada cagta Brazil ee Neymar ayaa soo gabagabeeyay u wareegistiisa kooxda Al Hilal ee Saudi Pro League, isagoo macsalaameeyey naadiga faransiiska ee Paris Saint-Germain (PSG) oo lix sano ka hor ku soo dhaweysay Paris.

Al Hilal ayaa ogolaatay lacag dhan 90 milyan oo Yuuro ($98m) oo ay kula soo wareegeyso xidiga Isniintii aynu ka soo gudubnay, waxana Lacagtu ay noqon doontaa mid rikoor u ah horyaalkaasi, oo ay taageerto dawladda qaniga ku ah saliidda, taas oo dooneysa inuu tayo sare yeesho horyaalkooda Sacuudiga.

Neymar ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sano ah oo la filayo in uu xiddigan 31 jirka ah uu mushaar sanadle ahaan uu u qaato lacag  $100m -ku dhawaad oo ah kala badh mushaharka 38 jirka reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Bayaan uu soo saaray horyaalka Sacuudiga, Neymar wuxuu ku sheegay inuu doonayo inuu qoro taariikh cusub oo kubadda cagta ah, isagoo xusay in Saudi Pro League ay leedahay tamar aad u fiican iyo ciyaartoy tayo leh xilligan.

Dhaqaalahan faraha badan ee ay kooxaha Sacuudiga bixinayaan, ayaa laga wal wal ku keeni kara kooxaha horyaalada Yurub, maaddaama xidigo badan ay durba naawilayaan ka ciyaarista horyaalka Sacuudiga oo ah waqtigan noqtay mid kasbanaya taageerayaal fara badan.

Exit mobile version