Sunday, September 14

Heshiis ayaa waqtigan la dhex dhigay Beelo walaalo ah oo Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Beelahan ayaa dhawaan ku dagaallamay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkoodu uu sababay khasaare baaxad leh, iyadoo dhimashadu ay gaartay ilaa 60 ruux.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa odayaasha iyo waxgaradka beelaha isugu keenay Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo lagu gaaray heshiis buuxa.

Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii aanay dib ugu soo noqon lahayn colaadan, waxaana beelaha looga mahadceliyey sida ay u qaateen nabada iyo xasilooni ku soo dabaalida deegaanadii ay isku fara saareen.

Exit mobile version