Thursday, September 11

Muddo lix bilood ka badan waxaa dalka Sudan ka socda dagaal aad u qaraar, kaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ku nooleyd.

Dagaalka ayaa si daran saameyn ugu yeeshay aryday fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wax ka baranayey jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla dalka Sudan.

Ardaydan oo laga soo daad-gureeyey dalka Sudan, ayaa la keenay Magaalooyinka Soomaalida, waxaana arrintaasi kaalin weyn ka qaadatay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Sudan.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan Danjire Maxamed Shiikh Isxaaq, oo ka hadlay arrintan, ayaa bidhaamiyey xaaladda adag ee ay wajaheen dhallinyaradii wax ka baraneysa dalka Sudan, kuwaas oo uu hakad ku yimid waxbarashadoodii.

Wuxuu usoo jeediyey in ay iska ilaaliyaan inuu fashilmo yoolkoodii waxbarashada, isagoo ugu baaqay in ay tacliintooda ka sii wataan gudaha dalkooda hooyo, maaddaama ay weli adag tahay xaaladda ka taagan dalka Sudan.

Safiirka ayaa sheegay in caalamka uu ka gaabiyey wax ka qabashada iyo isku soo dhaweynta dhinacyda isku haya Sudan, wuxuuna xusay in rajo fiican ka qabaan shirka iminka dhinacyada dalkaasi isku haya uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. 

Exit mobile version