Sunday, September 14

Hay’ada SODMA oo ka jawaabeysay baaqii Bulshada rayidka ee ku aaddanaa in la caawiyo dadka barakacayaasha ah, ayaa kaalmo gaarsiisay kaalmo gaarsiisay qoysas barakacayaal ah.

Hay’ada oo arrintaasi ka duuleysa ayaa gargaar gaarsiisay qoysas dhan 500 qoys, kuwaas oo ku dayacan duleedka Muqdisho gaar ahaan agagaarka degmada Balcad.

Gargaarka la gaarsiiyey barakacayaasha ayaa ahaa raashin noocyadiisa kala duwan, waana mid ku soo aaddaya xilli ay wajahayeen daruufo adag oo dhinaca cunnada ah.

Hay’ada aya ugu baaqday kuwa kale ee arrimaha sama falka ka shaqeeya in ay kaalin ka geystaan samata bixinta dadka barakacayaasha ah ee ay hareysay nolosha adag.

Exit mobile version