Monday, September 15

(Hortabin Media) – Wal wal iyo walaac aad u daran ayaa waqtigan ka soo yeeraya hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo SODMA, taas oo walaac ka muujineysa xaaladda ka dhalatay roobabka deyrta.

Hay’adda ayaa fariin digniin ah u dirtay dadka ku sugan goobaha ku dhaw webiyada, kuwaas oo ay ku warglisay in ay ka fogaadaan meelahaasi.

Gudoomiyaha hay’adda SODMA oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ay jirto khatar aad u culus, oo sida la filayo ka dhalan karta roobabka deyrta ee ka curtay gudaha dalka.

Wuxuu baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameyeen daadadka iyo fatahaadaha, kuwaas oo wajahaya xaaladdo halis ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurba joogta, kuwaas oo uu ka dalbaday in kaalmo la gaaraan dadka marxalada adag ku sugan waqtigan.

Exit mobile version