Saturday, September 13

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis ka jirta hawada Soomaaliya, xilli Somaliland warar kala duwan ay ka soo baxayeen.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.

Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warka ay  Soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay “in labada diyaaradood ee kala ah Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines la saaray laba khad oo isku dhaw oo kala ah, 40,000 ft iyo 39,000 ft, taas oo qatar galisay duulimaadyada, balse fariin digniin ah oo uu bixiyay qalabka ka diga isku dhaca keena shilalka ee saaran diyaaraduhu uu badbaadiyay.

Hase ‘ahaatee ‘ Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warka ka soo baxay Maamulka Somaliland.

Exit mobile version