Shir heerkiisu sareeyo oo hay’ada warbixinada maaliyadeed ee FRC Soomaaliya isugu keentay masuuliyiinta hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa loogu diyaar garoobayaa qiimeynta dalada Menafatf oo ay ku mideysan yihiin hay’adaha maaliyadeed dalal badan oo ka tirsan bariga dhexe iyo waqooyiga afrika ay ku sameyn doonto awooda hay’adaha maaliyadda dalka u leeyihiin la dagaalanka lacag dhaqista iyo maaligalinta argagixisada.
Cumar Cali oo ah Agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee xarunta FRC, oo qaabilsan warbixinada maaliyada dalka ayaa ugu horeyn faah faahiyey u jeedada kulanka iyo meelaha sida gaarka ah loo qiimeyn doono.
Sidoo kale Yaasiin Cibaar oo madax ka ah ururka bankiyada dalka ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin horumarinta kaabayaasha bankiga, si addunka loola jaan qaado.
Ugu danbeyntii Mahad Cabdulaahi oo ka mid ah masuuliyinta bankiga dhexe ayaa shirka ka sheegay in horumarinta hay’adaha maaliyada ay tahay masuuliyad saaran dhamaan dowladda iyo shacabka.
Qiimeynta lagu sameynayo awoodda hay’adaha maaliyadeed ee dalka oo isugu jirta mida dowliga iyo tan gaarka loo leeyahay ayaa dhici doonta bartamaha sanadka soo socda, taasoo Soomaaliya u horseedi doonto in ay la macaamisho hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.