Monday, September 15

(Hortabin Media) – Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu danbeeyey walaac ba’an ka muujinayey, helitaanka saamigooda siyaasadeed ee boqolkiiba 30-ka ah, kaas oo ay ka waayeen dowladihii dalka soo maray.

Haweenka ayaa sheegaya, in qoondadooda siyaasadda, aan si aad ah loogu gorfeyn shirarkii ugu danbeeyey ee ay yeesheen gollaha wadatashiga, waxeyna xuseen in arrintaasi ay ka dhalan karto, in ay waayaan saamigii loo qorsheeyey in ay siyaasadda dalka ku yeeshaan.

Guddi ay haweenka iska soo xuleen, oo warbaahinta la hadlay, ayaa tibaaxay in ay ku guuldareysteen haweenka, la kulanka madaxda dowlad goboleedyada, kuwaa oo ay ku eeddeeyeen in ay ka caga jiideen kulamadii ay ka dalbadeen.

Waxey ugu digeen maamullada dalka, iyo dhinacyada siyaasadda, in la boobo kuraasta gabdhaha loo qoondeeyey, iyagoo xusay in aysan ka hareynin maamulkii miiska soo saari waaya, mataalada siyaasadeed ee haweenka.

Beesha caalamka ayey ka codsadeen, in ay dhinacyada ku cadaadiyaan, hannaankii ay xaquudooda ku heli lahaayeen, maaddaama in muddo ah ay ku hugoobeen filashadooda.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa hardan iyo dadaal dheer u galay, sidii ay matalaad siyaasadeed ugu yeelan lahaayeen siyaasadda dalka, waxaana inkastoo aan la fulin, loo qoondeeyey in ay yeeshaan saami ah boqolkiiba 30.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version