Guddoonka Guddiga Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Sanatar Sareedo Maxamed Xasan (Jayte) iyo Guddoomiyaha Gudddiga Haweenka Golaha Shacabka Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan Guddiyada Haweenka labada aqal ayaa shir wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan Haweenka ku jira Baarlamaannada dowlad Goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa ku saabsanaa ka miro-dhalinta kootada Haweenka boqolkiiba soddon heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo katashiga arrimaha Dastuurka gaar ahaan qodobada sida gaar ah u khuseeya Haweenka Soomaaleed , sida qodobada ka hadlaya mabaadii’da aasaasiga, guurka, xuquuqda iyo qodobo kale oo muhiim ahaa.
Ugu danbayn Xildhibaannada Haweenka heer Federaal iyo heer dowlad Goleed ee shirka ka soo qayb galay ayaa ayaa isku raacay in ay isku garabsadaan ka gungaarista xuquuqda Haweenka.