Sunday, September 14

Maanta waxaa gacanta lagu soo dhigay Haweeney magaalada Baladxaawo ku dishay gabar ay daris ahaayeen, waxaana dilka ay u adeegsatay mindi.

Haweeneyda la soo qabtay ayaa magaceeda lagu sheegay Calaso Muxumed, waana mid ku eedeysan dilka Nasro Cabduqaadir oo ay daris ahaayeen.

Falkan ayaa ka dhacay Magaalada Baladxaawo, gaar ahaan tuulada Oodan, waana mid yimid kadib khilaaf soo kala dhex galay labada haween oo daris ahaa.

Boolis ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysanaha, waxeyna sheegeen in ay horgeyn doonaan caddaalada.

Geesta kale ehelada haweeneyda la dilay, oo soo aasay meydkeeda ayaa soo dhaweeyey dadaalada lagu soo qabtay haweeneyda eedeysanaha ah.

Exit mobile version