Saturday, October 4

Ganacsadaha caanka ah ee reer Mareykan, Elon Musk, ayaa noqday bini’aadamkii ugu horreeyay ee taariikhda hantidiisu gaarto $500 bilyan oo doollar, taas oo ka dhigtay qofka ugu taajirsan dunida.

Elon Musk wuxuu hantidiisa ka sameeyay shirkadaha uu maamulo sida Tesla, oo hormuud ka ah gaadiidka korontada; SpaceX, oo hormuud u ah duulimaadyada hawada sare; iyo X (horey Twitter), oo uu si weyn u beddelay.

Khabiirada dhaqaalaha ayaa saadaalinaya in Musk uu sanadaha soo socda u gudbi karo tirada trillion, haddii qiimaha saamiyada shirkadihiisu sii koraan. Tani waxay calaamad u tahay sida tignoolajiyada casriga ah iyo hal-abuurnimada ganacsiga ay u beddelayaan dhaqaalaha dunida.

$500 bilyan oo doollar waa hanti ka badan wadarta GDP-ga dalal badan oo caalami ah, taasoo mar kale muujinaysa saamaynta ay shakhsiyaad yar ku leeyihiin dhaqaalaha caalamka.

Exit mobile version