Monday, September 15

(Hortabin Media)- Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka Turkiga, Kenya iyo Jarmalka, ayey ku maqan tahay lacag dhan 3-malyan sida uu sheegay hanti dhowraha guud ee qaranka.

Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay ayaa si cad u faah faahiyey baaris uu xafiisku ku sameeyey qaar ka mid ah safaaradaha dalka.

Hanti dhowruhu wuxu ka dhawaajiyey in safaaradaha Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, lacagihii ay qabteen aan loo maamulin qaab haboon, oo aan lagu darin warbixinadii maaliyadeed ee la sameeyey waqtigii xisaab xirka.

Baaritaankan uu xafiiska hanti dhowraha sameeyey ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirtay musuq maasuqa, iyadoo dhowr masuulna xabsiga loo dhigay, halka kuwa kalana ay baxsad yihiin.

Exit mobile version