Monday, September 15

(Hortabin Media) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii loo magacaabay Madaalle waxa uu ka dhawaajiyey in ay la billaabayo qorshe loogu magac daray dalkaaga ku dhiso hal dollar, kaas oo iminka howshiisu socoto.

Ilaa iyo iminka mashuurcan ayaa ka billawday degmooyin ay ka mid tahay Wadajir, waxaana shacabka laga qaaday lacag dhan 50 dollar, taas oo lagu sameynayo bulaacado biyaha geeya badda, halkii ay awal fariisan jireen xaafadaha.

Mashruucan ayaa sida la filayo lagu dhisayaa wadooyin cusub iyo kuwo hore u bur bursanaa, waana tallaabo dhaqan galinteeda laga sugayo Gudoomiye Madaalle.

Qorshahan ku dhiso dalkaaga hal dollar, ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu yagleelo xarumo waxbarasho iyo kuwa caafimaad, oo si bilaash ah ugu shaqeeya dadka Muqdisho.

In badan dadka Muqdisho ayaa laga qaadi jiray lacago fara badan, kuwaas oo aan loogu fulin wax adeeg ah, balse hirgalinta masharuucan ayaa ka dhigan tallaabo hore loo qaaday, oo wax ka baddeleysa bilicda caasimada.

Exit mobile version