Friday, September 12

Walaac xooggan ayaa waqtigan laga muujinayaa xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan lagu weeraray maraakiib iyo doomo ganacsi.

Ugu yaraan seddex howlgal oo lagu beegsaday maraakiib iyo doomo ayaa labadii toddobaad ee ugu danbeysay ka dhacay xeebaha deegaanada Puntland.

Weeraradan oo ay fuliyeen rag burcad badeed ah oo hubeysan, ayaa afduubtay dhamaan shaqaalihii maraakiitaasi oo badankooda ka soo jeeda dalka Iraan.

Walaacan waxaa ka hadashay Somaliland oo sheegtay in ay wal wal ka muujineyso amni darro ay sheegtay inay ka soo korodhay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Arrintan ayaa kordhisay walaaca iyo cabsida laga qabo, in ay dib usoo laabtaan burcad badeeda xeebaha Soomaaliya, oo sanadihii ugu danbeeyey ay halistooda yaraatay.

Exit mobile version