Monday, January 12

Israa’iil ayaa si caadi ah weli u wadata howsheeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, waxaana shalay gigida diyaaradaha ee Cigaal International ka dagay diyaarad siday wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, kaas oo si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyey, loona galbiyey aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Hargeysa iyo tel-abiib waxey si qote dheer uga wada-hadleen aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo in lasii amba qaado heshiiska labada dhinac, si loo dhammeystiro, waxaa kale oo uu Cirro aqbalay inuu dhawaan booqdo Israa’iil.

Shir-jaraa’id oo ay si wada jir u qabteen, Madaxweyne Cirro wuxuu cadeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in ay iskaashi buuxa la yeelato Israa’iil, wuxuuna tallaabadan ku sifeeyey mid ay in muddo ah naawilayeen.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo hadal kooban jeediyay ayaa ballan qaaday in qadiyadda aqoonsiga Somaliland ay gayn doonaan fagaareyaasha caalamka, ayna ka go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dhinac.,, wuxuu yiri “Aniga oo jooga Hargeysa waxaan si cad u muujiyay in Israa’iil iyada oo kaliya ay go’aamineyso cidda ay aqoonsaneyso iyo cidda ay la yeelaneys xiriir diblumaasiyadeed”

Xogo ay Hortabin Media heshay ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo wafdiga uu horkacayo ay safar qarsoodi ah ku tegayaan beri magaalada Berbera, halkaasi oo saldhig milatari laga siinayo Israa’iil,, waxaana arrintani ay ubuc u tahay dhameystirka heshiiska labada dhinac,, maaddaama Soomaliland ay aqoonsiga ku baddelatay saddexdan qodob ee kala ah,, saldhiga sirdoonka Israa’iil, soo rarista Falastiiniyiinta iyo qeyb ka noqoshada heshiiska Abraham Accord.

Tallaabada Somaliland ay Israa’iil Berbera uga siineyso saldhig milatari, oo durba qorshaheeda la billaabay ayaa noqon karta mid xaalad adag horseedeysa,, soo de-dejin karta in quwadaha is haya ay halkaasi ku hardamaan.

Intii ay socotay soo dhaweynta weftiga Israa’iil waxa qaybo ka mid ah hawada Somaliland lagu arkayay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, waana tilmaan bidhaamineysa in furin dagaal ay noqonayaan gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Toddobaadyo un ka hor ayey ahayd markii ay Xuutiyiinta Yamen hawada soo marinayeen fariimo hanjabaad ah, taaa oo ku qotomay in ay weeraro ku ekeyn doonaan waqooyi galbeed Soomaaliya haddii ay cagta soo saarto Israa’iil, Balse cirro oo dhagaha ka fureystay codkaasi cabsida leh, ayaa xiligan hod dheer ku hoggaaminaya bulshada Somaliland ee nabada ku naalooneysa.

Hoggaan xumida Cirro ayey aqoonyahanada Somaliland ku sababeynayaan aqbalida heshiiskan waxaana israa’iil mar walba ay noqon kartaa mid ka fa’iido badan kana halis yar Somaliland,, sababtoo ah Somaliland waxa ay ku taallaa meel ka mid ah xudunta istiraatiijiyadda caalamka: xeeb ku dhow marinka Bab al-Mandab, oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Halkaas waxa mara 10-12% ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, shidaalka, cuntada iyo noocyada kala duwan ee ganacsiga iskaga gudba dunida. Sidaa darteed, cid kasta oo saameyn ku yeelata goobtan waxay helaysaa awood dhaqaale, mid amni, iyo mid siyaasadeed, waana goob ay Israa’iil kula loolami karto quwadaha dunida ugu waa-weyn,, waana ujeedka ay Somaliland ugu marin habaabineyso aqoonsi aan tel-abiib dhaafsiisneyn.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxey iminka u muuqataa mid aan wax badan kala socon waxa gudaha dalkeeda ka dhacaya, taas oo iyana nasiib daro hor leh ah, waxaase xiligan dowladda looga fadhiyaa in ay is-baddel muuqda sameyso, islamarkaana ay ugu yaraan xakameyso dhaqdhaqaqa hawadeeda, badeeda iyo dhulkeedaba, iyadoo dhanka kalana ka fogaaneysa cilaaqaadka laqdabada ku dhisan ee dariskeeda, kuwaas oo saaxiib dhaw la ah tel-abiib, kana gaabsaday xadgudbkii loo geystay madax-bannaanida Soomaaliya.

Doc kastaba Somaliland waqtigan waa in ay u diyaar garowdaa caqabado amni iyo kuwo diblumaasiyadeed oo ka iman kara dalalka diiddan, iyo khataraha suurtagalka ah ee kooxaha xagjirka ahi ku beegsan karaan, taas oo culeys ku noqon doonta amnigii goboladaasi ka jiray 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Exit mobile version