Dhibaato aad u xooggan ayey geysteen fatahaadaha ay sameeyeen webiyada Shabeelle iyo Juba, waxaana khaasaraha ugu badan uu gaaray Magaalooyin Baladweyne iyo Baardheer, oo ay maraan webiyadan
Sida ay daabacday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xidhka gargaarka bini’aadanimo, fatahaada waxey saameysay dad gaaraya 460,470 oo qof, taas oo 219,000 oo qof oo ka mid ahi ay guryahooda ka carareen.
Fatahaadii ay sameeyeen webiyada dalka mara ayaa sababay in ay geeriyoodaan 22 ruux oo ku yaalla 17 degmo oo ka tirsan dalka Soomaaliya, sida ay shaacisay UNOCHA.
Dadka ka barakacay fatahaada ayaa ku sugan xaalad adag, mana heystaan waxyaabihii aas aasiga u ahaa nolosha, iyagoo aanan helin gargaar ku filan
Waxaa istaagtay noloshii caadiga ahayd ee ka jirtay magaalooyinkaasi, iyadoo ay xirmeen xarumihii caafimaad iyo waxbarashada, taas oo ah dhibaato mug weyn.
Fatahaada oo ay sababeen roobabka gu’a ee curtay ayaa keeni karta khasaare intaasi ka badan, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaada ay saameyso dad hor leh oo gaaraya 1.6 milyan oo qof, iyadoo ay macquul tahay in ay barakacaan in ka badan 600,000.
Fataahaada ay sameeyeen webiyada Shabeelle iyo Juba, ayaa walaac laga muujinayaa in ay ka dhashaan xanuuno kala duwan, maddaama dad barakacay ay u badan yihiin haween iyo caruur, markii horeba la il darnaa nafaqo darro.
Hay’adaha arrimaha bani’aadminada ka shaqeeya waxey sheegeen in wadaan qorshe, ay wax uga qabanayaan fatahaada ay webiyada sameeyeen, waxaana wajiga hore ee kaalmada ay ballan qaadeen ka faa’iideysanaya dad dhan 111,000 oo qof oo ku kala nool guud ahaan dalka Soomaaliya.