Saturday, September 13

Gudaha dalka Soomaaliya waxaa 10-kii sano ee ugu danbeysay dhibaato xooggan ku hayey dawooyinka la isku cadeeyo, kuwaas oo dadka ugu badan ee isticmaala ay yihiin haween.

Haweenka isticmaala, ayuu hal-heyskoodu yahay ” Doqon iyo Habeen baa Madow” taas oo dhiira galineysa kuwa marsada, isla markaana keeneysa in haween badan ay ku soo biiraan dumarka is cadeeya.

Inkastoo tiro sugan aan la heynin haddana gudaha dalka, haweenka ugu badan ee is cadeeyo ayey da’doodu u dhaxeysaa 18- ilaa 38 sano jir, wallow ay jiraan kuwo da’daasi ka weyn oo is cadeeyo misan ma badna.

Saameynta culus ee dalka ay ku yeelatay dawooyinka la isku cadeeyo, waa tan keentay in 3- dii sano ee ugu danbeysay ay soo if-baxaan rag is cadeeya, arintaas oo anfariir ku noqotay dadka caqliga u saaxiibka ah.

Khatarta Dawooyinka la isku cadeeyo

Dawooyinka la isku cadeeyo waa kuwo hoos u dhiga, xadiga midab sameeyahay jidhka bini’aadamka ee loo yaqaano (Melanin), taas oo maqaarka qofka aadanaha ah dhibaato culus gaarsiineysa, maaddaama Midabka uu yeelanayo jidhka bini’aadamku ay saamaynta ugu badan leedahay xadiga (Melaninta).

Haweenka is cadeeya qaarkood ayaa leh uur, waxaana sida bahda caafimaadka ay sheegayaan, dawooyinkaasi kiimikada leh, ay waxyeelo gaarsiin karaan ilmaha uur ku jirta ah.

Dhibaatooyinka ay la nool yihiin dumarka marsada ee jooga dalka

Walaac, iyo walbahaar joogto ah ayey wehel la noqdeen hablaha qabatimay isticmaalka dawooyinkan la isku cadeeyo.

Mida ugu horeysa, waa kuwo dhibaato xooggan ku qaba kulka cad-ceeda maalintii, maaddaama maqaarkooda oo aad u jilcay uusan xamili karin kuleelka qoraxda.

Waxaa kaloo dhankooda ku adag in ay iska daayaan dawooyinkan, iyagoo u fahmaya in muuqaalkooda ay ku colaadinayaan asaxaabtooda iyo ragga ay sheeko wadaagta yihiin.

Dadka dalka keena iyo kuwa iibiya

Ganacsatada dalka keenta, iyo kuwa ka ganacsada, ayaa ah kuwa isku ujeedo ah, keliya hadafkooduna waa in ay dhaqaalle ka sameeyaan dawooyinkan la isku cadeeyo.

Feejignaan yarida bulshada, waxey keentay in dadka ka ganacsada ay isku daraan dhowr dawo oo aan shaqo isku lahayn, taas oo dhibaato culus u geysaneysa maqaarka qofka.

Wacyi Galinta

Sida dadka darsay arrimahan ay aaminsan yihiin, waxaa laga gaabiyey doorkii wacyi galinta, kaas oo la rabo in ay horseed ka noqdaan bulshada qeybaheeda kala duwan, si loogu digo Soomaalida haweenka u badan ee halistan u bareeraya.

Dadka ugu horeeya ee masuuliyada wacyi galinta in ay qaataan la doonayo waa Culumada, maaddaama diinteena suuban aysan ogoleyn in qofka bani’aadmiga ah uu dooriye muuqaalkiisa, waxaa sidoo kale masuuliyad ballaaran ay saaran tahay bahda caafimaadka oo dareensan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta dawooyinkan la isku cadeeyo.

Talla Dhaqaatiirta

Maaddaama inta badan haweenka Soomaalida ay u baahan yihiin, waxyaabo ay isku qurxiyaan, waxey dhaqaatiirta arrintan aqoonta u leh ku talinayaan, waxyaabo ay ka mid yihin, Haruudii dhaqanka u ahayd Soomaailda, waxaa kaloo bilicda qofka wajigiisa iyo jirkaba soo celin kara, Khudrada noocyadeeda kala duwan.

Waxyaabaha kale ee bilicda wajiga ifiya waxaa ka mid ah isticmaalka dacarta oo ah dawo, ay muddo dheer isticmaali jireen bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba Dalalka Bariga Afrika badankood ayaa mamnuucay dawooyinka la isku cadeeyo ee loo yaqaan hydroquinone, waxaana ay sheegeen in isticmaalka walxahan ay sababayaan dhibaatooyin caafimaad oo baaxad weyn.

Bartamihii bishii May ee sanadkii 2019-ka Golaha sharci dajinta Bariga Afrika ayaa meel mariyey qaraarkan iyagoo ugu baaqey gobolka iney manuucaan sameynta iyo soo dhoofinta waxyaabaha ay ka kooban tahay dawada la isku cadeeyo ee hydroquinone, balse Soomaaliya kama dhaqan galin awaamiirtaasi, sababo la xiriira nidaaladnimada oo soo kabasho ku jirta.

Exit mobile version