Wednesday, June 3

Iran ayaa hakisay wada-hadalladii ay la lahayd Mareykanka kaddib tallaabooyinka Israel ee Lubnaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim oo xiriir dhow la leh dowladda Iran.

“Maaddaama uu sii socdo weerarka Israel ee Lubnaan, isla markaana Lubnaan ay ahayd mid ka mid ah shuruudihii xabbad-joojinta, taas oo hadda lagu xadgudbay dhinac kasta, oo ay ku jirto Lubnaan, kooxda wadaxaajoodka Iran waxay hakineysaa ‘wada-hadallada iyo is-dhaafsiga qoraallada iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal,” ayay Tasnim qortay.

Iran waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada Israa’iil ka waddo Qasa iyo Lubnaan, iyo sidoo kale in ciidamada Israel gabi ahaanba ka baxaan Lubnaan, ayay Tasnim sheegtay.

Tasnim waxay sidoo kale sheegtay in Tehran iyo kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ee gobolka ay qorshahooda ku dareen “in si buuxda loo xiro marin-biyoodka Hormuz iyo in la furo aagag kale,” oo ay ku jirto marin-biyoodka Bab al-Mandab ee koonfurta Badda Cas, halkaas oo Xuuthiyiinta Yemen ee Iran taageerto ay hore weerarro uga fuliyeen.

Exit mobile version