Guuto ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dilay taliyihii xukumayey, kaas oo lagu magacaabi jiray Mustaf Dhoobshaac, waxaana dilka uu ka dhacay magalaada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.
Sarkaalkan geeriyooday ayaa xukumi jiray Guutada Abuu-dujaana lagu magacaabo, waxaana dilkiisi uu yimid kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada fariisimadooda ku soo celiyo, xilli ay gadoodeen.
Sarkaalka la dilay, ayaa qeyb ka ahaa ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea, wuxuuna ahaa shaqsi fir fircoon, oo si aad ah uga dhex muuqda furimaha hore ee dagaalka.
Ciidamada Taliyahooda dilay ayaa ku mideysan, ama ka wada tirsan Guutada Abuu dujaana, waxaana ciidankan Muddo 3-bilood ka hor lagu soo tababaray dalka Ugandha.
Ciidamada Falkan geystay ayaa lagu guuldareystay in la soo qabto, wallow ilaa iyo iminka lagu raad joogo, waxaana xusid mudan in ciidankan ay u xilsaarnaayeen dagaalka furimaha hore ee deegaanada gobolka Mudug.