Monday, September 15

Muddo labo bilood ah ayaa ka soo wareegtay markii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusomareeb, isla markaana uu dib uga billawday maamulada Hirshabelle iyo Galmudug dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Haddaba labo bilood kadib maxaa guulo ah oo laga gaaray dagaalka, maxaase dib u dhac ah oo jira?

Sidoo kale wasiirki hore ee warfaafinta galmudug iminka la taliyaha madaxweynaha maamulkaasi Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey aragtidiisa ku aaadan guulaha laga soo hoyey dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isagoo sheegay in deegaano badan laga qabsaday argagixisada.

Qubarada amniga qaarkood ayaa qaba in waqtii uu dib u bilwaday dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka lagu lagula jiro Al Shabaab la gaaray guulo waa weyn, iyadoo dhinaca kalana ay muuqato gaabis ku yimid dar dartii uu ku socday dagaalka sida uu ku waramay Axmed Cabdulaahi Kaboole oo bartay siyaasada iyo amniga.

Saraakiisha ku xeel arrimaha la xiiriira amniga ayaa ku taliyey in sare loo qaado aqoonta ciidamada sirdoonka soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan dadka curyaamninaya hormarkii laga sameyn lahaa dagaalka looga soo horjeedo al shabaab waa kan mar kale Korneyl Cabdulaahi Cali Macow.

Exit mobile version