Waxaa weli socda gurmadka loo fidinayo dadkii uu hantidooda saameeyey dabkii xooganaa ee ka kacay Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa ahaa mid xooggan oo ay saacado qaadatay in la damiyo, waxaana ku khasaaray maal badan oo ay lahaayeen dadkii halkaasi ku ganacsanayey.
Iminka waxaa socda tira koobka lagu sameynayo dadkii ku xoolo beelay suuqaasi, taas oo uu Madaxweynaha dowlad deegaanka u saaray guddi si adag uga soo tala bixiya, baaxada khasaarihii ka dhashay dabka.
Ilaa iyo iminka dadka kaalmada geystay waxaa ka mid ah Dahabshiil oo ku deeqday lacag dhan 20 bir oo itoobiya ah, taas oo loogu tala galay in lagu samata bixiyo Soomaalidii suuqaasi ku hanti beeshay.