Monday, September 15

Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda deg deg ah oo uu dalku galay, taas oo ka timid roobabka xoogan oo ka da’ay meelo ka mid ah gobolada dalka soomaaliya, kuwaas oo sababay daadad iyo fataahado khasaare badan geystay.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabteen Wasiirka Warfaafinta, Gudoomiyaha Hay’da mareeynta masiibo yinka iyo culumada Soomaaliya, ayaa ugu horeyn waxaa ka hadaly wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Da’uud Aweys Jaamac, waxana uu sheegay in roobabkii da’ay ay ku geeriyoodeen ilaa 31 ruux, iyadoo sidoo kalana ay barakaciyeen dad gaaraya Nus Malyuun.

Daadadka iyo fatahaada El-Nino ayaa si xoogan saameyn ugu yeelatay meelo badan oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya sida uu sheegay gudoomiyaha hay’ada maareynta masiibooyinka Maxamuud Macallin.

Gudoomiyaha Hay’ada Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashir Axmed Salaad oo goobta ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibada iyo gudaha dalka ka codsaday in ay usoo gurmadaan dadka ku waxyeelaboobbay daadka iyo fatahaadaha.

Ugu danbeyntii Cabdiqaadir Soomow oo ka tirsan culumada Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa soo hadal qaaday xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool goobaha ay roobabka xoogan ka da’een, kuwaas oo waayo adag la daalaa dhacaya.

Si kastaba roobabka ka da’y dhulka Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoogan gaarsiiyey dad aad u fara badan, waxaana laga cabsi qabaa in ay iminka barakacaan wax ka badan hal malyan oo dad ah. 

Exit mobile version