Saturday, September 13

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay shir wada-tashi oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda dalka iyo guddoonka BJFS.

Shirka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirkan wada-tashiga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ka socota Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda magaalada Muqdisho uga qeyb galayeen shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool gobolada dalka.

Dastuurka Soomaaliya oo in muddo ah qabyo qoraal ahaa, ayaa xilligan horyaalla Barlamanka Soomaaliya labadiisa aqal, waana howsha ugu weyn ee xilligan laga sugayo labada aqal ee Barlamanka, kuwaas oo ku kala aragti duwan hannaanka loo dhameystirayo Dastuurka.

Exit mobile version