Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa maanta degmada Dharkeenleey ku dilay Gudoomiyihii dhallinyarada degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Xasan.
Kooxda dilka geysatay oo tiradooda lagu sheegay seddex ruux, ayaa sidoo kale dhaawacay wiil ay saaxiibo ahaayeen Gudoomiyaha, kaas oo la socday markii la soo weerarayey.
Dableyda dilka fulisay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halka ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo sameeyey baaritaan aan cidna lagu soo qaban.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Dharkenleey ayaanan weli ka hadlin dilka loo geystay Gudoomiyihii Dhallinyarada degmadaas, kaas oo dilkiisa la aaminsan yahay in ay ka danbeeyeen Al Shabaab.
Dilka Gudoomiyaha Dhallinyarada Dharkenleey ayaa ku soo beegmaya, xilli maalmihii ugu danbeeyey uu soo hagaagayey amniga Magaalada Muqdisho, oo waqtigan ay gacanta ku hayaan ciidamo gaar ah, oo lagu soo tababaray dalka Ugandha.