Monday, October 27
Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxay shaqo joojin ku sameeyeen gudoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macallin oo hadda howl shaqo u jooga dalka Faransiiska gaar ahaan caasimaddiisa Paris, isaga oo hogaaminaya ciyaartooyda Soomaaliya ee ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada ee Paris.

Guddiga ayaa Mustaf Cabdicasiis Maxamed ka dhigay sii hayaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud oo sidoo kalena ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga.

Gudoomiyaha ciyaaraha fudud ee shaqo joojinta lagu sameeyey oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay dhabar jab ku tahay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in ay libin ka soo hoyso tartanka ciyaaraha Olombikada ee Paris.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu ku maqan yahay howlo shaqo, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin wax la taaban karo oo lagu saleeyey shaqo ka joojintiisa, taas oo sida uu xusay sharciga ka hor imaaneysa.

Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee arrimaha Ciyaaraha ayaa indhaweydba joogteeyey is qab qabsiga dhexdooda ah, xilli 30 sano aanay Soomaaliya guul la taaban karo ka soo hoynin arrimaha Sports-ka, taas oo fajac ku noqotay shacabka isla markaana ay si aad ah u hadal hayaan.

Exit mobile version