Friday, September 12

Ciidamada Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray qaar kamid ah Odoyaasha Deegaanka iyo Guddoomiyihii degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ayaa magaalada Muqdisho u soo qaaday dadkaan la waydiin doono su’aallo la xiriira Askartii lagu dilay duleedka degmada Ceelbaraf.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in tillaabadaan ay u qaadeen si loo soo qabto Maleeshiyaadkii dilay askar gaareysa Lix askari oo kamid ahaa Ciidamada Dowladda.

Askartaan ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ka baxeen shaqada, iyaga oo u socday guryahooda,waxaana shalay lagu aasay gudaha magaalada Baladweyne, halkaas oo meydadkooda la geeyey.

Exit mobile version