Friday, September 12

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , kulankaan ayaana diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo.

Kulanka ayaa si weyn loogu gorfeeyay saameynta ka dhalan karta roobabka da’aya,  raadadki El-nino iyo sidii ay hay’adda SoDMA gargaar ula gaari laheed gobalka Gedo oo fatahaadihii sanadki hore wax-yeello xooggan gaarsiiyeen.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Exit mobile version