Saturday, September 13

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxriistee marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ku geeriyooday magaaladda barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, udub dhexaadna u ahaa nabadaynta, dib u heshiisiinta, isagoo kaalin way ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka Alle u waydiinayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo eheladii kale oo uu marxuumku ka geeriyooday.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Exit mobile version