Saturday, September 13

Waxaa weli deeggaanada miyiga ah ka socda gudniinka fircioniga ee loo gaysanayo gabdhaha da’da yar, iyadoo ay kooban yihiin kiisaska la xariira arrintaasi ee ka dhacaya Magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Gudniinka firconiga oo ahaa dhaqan soo jireen ah, ayaa utun ku noqday badi hablaha Soomaaliyeed, waxaana jira gabdho badan oo u geeriyooday miyiga.

Degaanada miyiga fog ee dalka, ayaa la sheegayaa inay iminka aad ugu badan yihiin, taasoo ah arinta sii kordhineysa walaaca hareeyey gabdhaha yar-yar, iyadoo qaarkood ay ka  baxsadaan qoysaskooda marka ay maqlaan in lagu sameynayo gudniinka fircooniga.

Hoos u dhac ah 70%, ayaa ku yimid kiisaskii gudniinka fircooniga ee ka dhici jiray Gobolada iyo Magaalooyinka waa-weyn ee dalka, waxaana 30% ah qatarta ay meelahaasi kala kulmi karaan hablaha, sababo la xiriira wacyiga bulshada oo kordhay.

Goobaha miyiga oo ay wacyi galintu ku yar tahay, ayaa 5- tii sano ee ugu danbeysay laga diiwaan galiyey kiisas kor u dhaafaya 3-kun, kuwaasoo qaarkood hablihii gudniinka lagu sameeyey ay dhiigbax u geeriyoodeen, mana jirto cid si gaar ah ugu taagan wax ka qabashada arintan.

Caqabada gudniinka fircooniga ayaa ah mid ay gabadhu la noolaaneyso inta ay ifka saaran tahay, waxaana culeys badan ay wajahdaa marka ugu horeysa ee ay mustaqbal guur la wadaagto qof gayaankeeda ah, iyadoo ku dhib qabta xilliyada uu u imaado dhiiga caaddada, sida ay tilmaamayaan dhaqaatiirta.

Bahda caafimaadka ayaa ku baaqaya, in goobaha miyiga ah la gaarsiiyo, wacyi-galinta la xiriirta halista gudniinka fircooniga, si ay u yaraato khatarta oo xilligan u eg mid sii baaheysa.

Exit mobile version