Saturday, September 13

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe  iyo danjiraha Qadar u jooga Soomaaliya waxay ka wada-hadleen xiriirka labada Baarlamaan iyo wadashaqeyntooda. Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday sida dowladda Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaatay dhismaha iyo dowladnimada, waxeyna mashaariic kala duwan ka wadaa iminka gudaha dalka.

Exit mobile version