Saturday, September 13

Guddiyada Haweenka Labada Gole ee Barlamanka JFS oo ay Hogaaminayeen Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Golaha shacabka Xildhiban Zuhuur xaaji Culusow oo ay welineyso Guddomiyaha Guddiga Haweenka Aqalka sare Senator Sareedo Mohamed Hassan ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Xubnaha Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka waydiin odhaahdeedyo dheeraad ah iyo turxaan bixin ka waydiiyay qodobada  Dastuurka ee sida gaar ah u quseeya Haweenka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa xubnaha Guddiyada Haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda FS u faahfaahiyay qodobadii ay sida gaarka ah wax uga waydiiyeen, isagoo xusay in ay ku shaqayn doonaan toosinta iyo talo-bixintooda si sharciga waafaqsan iyo habraaca Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Baarlamaanku ansaxiyay.

Exit mobile version