Saturday, September 13

Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay Maanta Xarunta  Golaha iyo Guddiyada ee Golaha shacabka BJFS .

Kulanaka waxaa shir Guddoomiyey ku-simaha Guddoomiyaha ahana Guddoomiye ku –xigeenka  Guddiga Xilldhibaan . Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) waxaana ku wehliyey  Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Cabdi (Diyeeshe).

Sido kale Kullanka waxaa kaso Qeybgalay Wasiir ku -Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Gudaha Ahna kusimaha wasiirka  Mudane Maxamed Siciid Xagaa , Agaasimaha Hey’adda Socdaalak iyo Jinsiyadda soomaaliyed Mudane Axmed Siciid Mxamed  Iyo Agaasimaha Guud wasaaradda amniga Gudaha Madnne Yuusuf Cali Maxamed Kulanka ayaa ahaa su.aal weydiin iyo la-xisaabtan Agaasimmaha Guud ee Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliyeed si uu uga  warbixyo waxqabdka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliyeed  iyo su’aalo la xiriiro waajibaadkii loo igmaday Agaasimaha .

Ugu dambeyntii ku-simaha Guddoomiyaha ahna G/K Guddiga arrimaha  gudaha iyo amniga Golaha shacabka BJDS Xilldhibaan . Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) Ayaa umahad celiyey wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha ahana kusimaha wasiirka wasaaradda amniga Gudah , Agaasimaha Guud wasaaradda amniga Gudaha  iyo Agaasima Guud Hey’adda socdaalka iyo jinsiyad soomaaliyed intaa kadib shirka wxa soo xiray Guddoomiye ku xiggenka Guddiga ahna kusima Guddoomiyaha .  

Exit mobile version