Sunday, September 14

Waxaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay  Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS  Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, waxa goob joog ahaa Xoghayaha Guddiga Xil.Sayid Ali Isak Mohamed Yonis iyo xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Kadoodista Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xubnaha guddiga ayaa isla gartay in uu Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika muhiim uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed loona baahanyahy in ka guddi ahaan waajibkeena ka guddano

Ugudanbeyntii Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS  Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, ayaa soo xiray kulanka Maanta.

Exit mobile version