Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Somaaliya ayaa magacabaay guddi, ka soo tala bixiya heshiiskii ay dhawaan Muqdisho ku gaareen gollaha wadatashiga qaran.
Gudoonka ayaa heshiiskan u saaray guddi, kuwaas oo ka kooban 5 xubnood, oo dhamaantood ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, waxaana magacyadooda ay kala yihiin: Xildhibaan Cabdisamad Maxamuud Xasan Faarax, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego), Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad).
Guddigan ayaa la filayaa in ay soo dhiraan dhiriyaan, kadibna macluumaad ay ka soo celiyaan arrimihii ay go’aanka ku gaareen, gollaha wadatashiga qaran.
Gudoomiyaha ayaa guddigan faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaabaan howsha loo xil-saaray, ee tala bixinta, iyagoo marka ay u soo dhamaato, horgeyn doono gollaha Barlamanka Soomaaliya, kuwaas oo leh go’aanka ugu danbeeya.
Heshiiskii wax looga baddelayey hannaanka dowladnimada Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen gollaha wadatashiga, ayaa waxaa horey uga horyimd, maamulka Puntland oo kulankaas ka maqneyd iyo hoggaamiyayaashii ku mideysnaa Midawga Musharaxiinta.