Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday waqtiga ay qaadeyso Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, oo ay sanadkan u fadhiisanayaan arday fara badan.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa lagu sheegay in 27-ka bishan May loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.
Dowladda Waxey ardayda iyo waalidiinta ugu baaqday in ay u diyaar garoobaan imtixaanka, oo lagu qaadi doono xarumo kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka.
Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyey si joogta ah u qaadeysay imtixaanka shahaadiga ee dugisyada sare, waxaana xarumaha lagu qaadayo imtixaankan waardiyeeya askar ka tirsan ciidamada dowladda, sababo la xiriira weeraro dhanka Al Shabaab oo laga baqanayo.
Imtixaankan waxaa u fariista ardayda wax ka barata Gobolka Banaadir, iyo Maamul Goboleedyada dalka, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland, oo iyagu diiday nidaamka imtixaan qaadista dowladda dhexe.