Tuesday, February 17

Turkiga ayaa Axadii aynu ka soo gudubnay u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shidaalka badda-dheer ee loo yaqaan Cagri Bey. Wasiirka tamarta ayaa ku tilmaamay shaqada markabka in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ka baxsan xuduudaha badda Turkiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shidaal qodistan ay ka tarjumayso istaraatiijiyadda muddada dheer ee Turkiga ee lagu xoojinayo amniga tamarta qaranka iyo in dalka loo dhaweeyo isku-filnaansho, Wasiirka wuxuu ku sheegay tallaabada turkiga “mid taariikhi ah” oo la xiriirta dadaallada Turkiga ee sahminta saliidda iyo gaaska.

Wasiirkta tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka shidaal qodis ka billaabi doono ceelka Curad-1 oo ku yaal meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya bisha Abriil, “Markii ugu horreysay, markabkeenna badda ka qoda shidaalka, wuxuu u baxayaa hawlgal ka baxsan xuduudaheena,” ayuu Bayraktar ka sheegay munaasabad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin ee koonfurta Turkiga.

Markabka oo ah mid weyn oo sida la sheegay aan ka gudbi karan kanaalka Suweys waxa uu ka soo shiraacday dekedda Taşucu ee koonfurta Turkiga, waxa uuna gaarayaa badda Soomaaliya, Wasiirka waxa uu sheegay markabka Cagri Bey, oo dhawaan ka mid noqday maraakiibta qodista shidaalka ee Turkiga, in la filayo in uu Soomaaliya ku gaaro qiyaastii 45 maalmood, waxaana wehliya saddex markab oo ah kuwa dagaal ee ciidanka badda Turkiga.

Markabku wuxuu mari doonaa marin-biyoodka Gibraltar, isagoo ku wareegi doona xeebaha koonfurta Afrika ka hor inta uu san gaarin halka uu ku socdo, waxaana la filayaa in howlaha qodista ay billaabmaan bilaha Abriil ama Maarso, Sida la sheegay markabka waxa uu soo maraya Cape Town halkaas oo uu shidaal ka qaadanayo.

“Cape Town ayuu istaagi doonaa, shidaal ayuu ka sii qaadanayaa, waxaan rajeyneynaa in uu yimaado Abril saddexdeeda ama 30-ka Maarso inta u dhexeysa. Labadaas mid inta u dhexeysa ayuu ku soo beegan yahay magaalada Xamar, Xamar baan ku soo dhaweyneynaa inta uusan shaqada galin” ayuu yiri maareeyaha hay’adda batroolka Soomaaliya Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamed, Eng. Cabdulqaadir wuxuu kaloo sheegay in markabka uu qodista ka bilaabaya badda ku aadan Xarardheere,”Baloogga 153 ayuu ka shaqeynayaa iyada ayuu qodayaa, oo ku aadan Xarardheere, Mareeg iyo Faax”.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Bayraktar, wuxuu sheegay in Turkigu doonayo in uu soo saaro 500,000 foosto maalintii oo saliid ah marka la gaaro 2028-ka, wuxuuna intaas intaas ku daray in Ankara ay filayso in ay labanlaabto tiradaas iyada oo lagu gaarayo taas helitaano cusub, Howsha qodista shidaalka waxaa ilaalin doona ciidamada Badda ee Turkiga. Dhowr cutub oo ka tirsan ciidamada badda ayaa la socda markabka si ay u ilaaliyaan jidka uu marayo iyo badda shidaalka laga qodayo.

Qorshahan amni ee Turkiga badda Soomaaliya ka sameynayo wuxuu hoos imanayaa heshiisyada iskaashi ee hore u dhexmaray Ankara iyo Muqdisho, Qorshaha Turkiga uu shidaalka kaga qodayo Soomaaaliya waxaa la sheegay in ay ku saleysan tahay aragti ballaaran oo uu dhiirrigeliyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, taas oo ujeeddadeedu tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta Turkiga ee tamarta dibadda laga keeno, in la kordhiyo wax-soo-saarka gudaha iyo isla markaana dhaqaalaha laga ilaaliyo cadaadis dibadeed.

Dhanka kale, wasiirka tamarta, Bayraktar wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu ka shaqeynayo in uu labanlaabo wax-soo-saarka gaaska dabiiciga ah ee Badda Madow sanadkan. Isagoo sii wada sahminta badeed ee xeebihiisa waqooyi ayey sidoo kale Ankara waxay diyaarinaysaa in ay hawlgeliso reaktor-keedii ugu horreeyay ee nukliyeerka ee warshadda tamarta nukliyeerka ee Akkuyu, taas oo la filayo in ay si degdeg ah u bilowdo soo saarista koronto taas oo mustaqbalka dabooli doonto qiyaastii 10% baahida tamarta dalka, Hawsha qodista ee hadda socota waxay ku saleysan tahay xog sahamin ah oo la ururiyay sannadkii hore, waxayna qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee Ankara ee lagu ballaarinayo hawlaha sahminta tamarta heer gobol iyo heer caalami.

Exit mobile version