Sunday, September 14

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waqtigan wada mooshin xooggan oo ka dhan ah Ra’iisul Wasasaaraha xafiiska jooga Xamsa Cabdi Barre.

Mooshinkan ayaa soo muuqday ka gadaal markii sabtidii ay Barlamanku cod aqlabiyad leh ku diideen in la bilaabo su’aalo weydiinta xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ahayd mid qorshaha ugu jirtay Ra’iisul wasaaraha, isagoo doonayey in golihiisa wasiirada uu mid walba hortago barlamanka si su’aalo loo weydiiyo, waxaase arrintaasi ka biyo diiday Barlamanka.

Jawaabta adag ee ay Barlamanku ka bixiyeen qorshihii Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaya in ay jirto qanaaco la’aan uu goluhu ka qabo howlaha ay wado xukuumadda Soomaaliya.

Sida xoguhu Sheegayaa Barlamanka ayaa ka carooday isku shaandheyntii uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha, maaddaama badankood ay doonayeen in ay ka soo dhex muuqdaan xukuumadda.

Ilaa iyo waqtigan waxaa kordhaya tirada xubnaha Barlamanka ee saxiixaya mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha, xili Madaxweynaha uu ku caddaadinayo Gudoomiyaha Barlamanka in aanu qabanin mooshinka ay wadaan xubnaha Barlamanka.

Exit mobile version