Saturday, September 13

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa iclaamiyay xiritaanka kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare Baarlmaanka 11aad.

Guddoomiyaha ayaa sheegay muddada uu xirnaanaya BFS, isaga oo tilmaamay inuu fasaxu billaaban doono maanta oo 2-December ah, waxaana sida la qorsheeyey uu ku eg-yahay 02 Febraayo 2025.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in la soo xiro fadhiyadooda bishii hore, balse Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka codsaday in ay sii shaqeeyaan, iyaga oo dhammeystiray ansixinta Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Sohdimaha.

Ajiibada codsida Madaxweynaha ayaa keenay in gollaha ay dhameystiraan sharciyo iyo xeerar badan oo muhiim u ahaa arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah, inkastoo mugdi badan uu hareeyey suurtagalnimada in dhaqan gasho doorashadan, maaddaama durba Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho dadban oo uu isagu ku soo baxay.

Exit mobile version