Thursday, September 11

Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xubin ku yeeshay Barlamanka Afrika ee loo yaqaan (Pan- Afrika), waxaana kursiga Aqalka Sare ee Barlamankaas, loo dhaariyey Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Fadhigii Barlamanka Afrika kadib, Senator Cabdi Ismaacii Samatar ayaa saxaafada uga waramay, waxyaabihii lagu falanqeeyey kalfadhiga labaad Barlamanka lixaad ee (Pan-Afrika), kaas oo arrimo dhowr ah looga dooday.

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa xusay in kulankii ay yeesheen xubnaha Barlamanka Afrika, lagu lafa guray arrimo ay ka mid yihiin, xaalaadda Sudan oo iminka ay dagaallo ka socdaan.

Waxaa kulanka waxyaabihii looga dooday qeyb ka ahaa horumarinta wax soo saarka, is badellka cimilada iyo sidi la isugu furi lahaa xuduudaha dalalka Afrika, taas oo kaalin ka geysanayesa inuu kobco dhaqaalaha la xiriira  ganacsiga.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sdoo kale sheegay in Barlamankan uu horseedi karo in ay dadka Afrikanka ah ka qaataan daruus, isla markaana ay isku tashtaan, si ay uga maarmaan gacan hoorsiga.

Si Kastaba (Pan- Afrika) ayaa la aas aasay, sanadkii 2004-tii, waxaana ku mideysan 54 dal oo midkiiba 5 xubnood oo Barlamanka dalkiisa ka mid ah uu u soo diro fadhiga Barlamankan.

Exit mobile version