Friday, September 12

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar rasmi ah ka soo saaray xaaladda magaalada Gaza, oo ay Israa’iil ka wado xasuuq ballaaran.

Gollaha oo toddobaadyadii ugu danbeeyey xaruntii New York uga arrinsanayey xaaladda Gaza ayaa ugu danbeyn isku raacay qaraar tilmaamay in gargaar bani’aadminimo lala gaaro Gaza.

Mareykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, ayaa ka aamusay ansixinta qaraarkan, taas oo fududeysay in la meel mariyo, kadib markii ay dhinacyadu isku aragti ka noqdeen.

Gollaha ayaa ku baaqay in marin amaan ah uu helo gargaarka lagu wado in la gaarsiiyo Gaza oo ay ka jirto xaalad adag oo dhanka bani’aadminida ah.

Sidoo kale Gollaha Amaanka ayaa u soo jeediyey Israa’iil iyo Xamaas in sida ugu dhaqsiyaha badan xoriyadooda loo siiyo maxabiista, la kala heysto.

Exit mobile version