Friday, September 12

Xildhibaanada Golasha Shacabka ayaa maanta meel mariyay xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xildhibaanada ayaa qaab gacan taag ah ku ansixiyey xukuumadda cusub, waxaana ogolaatay in la meel mariyo xukuumadda 229 Xildhibaan, halka ay diideen 7 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan, iyadoo kulanka ay fadhiyeen 237 Xldhibaan. Ansixinta kadib ayaa wasiirada cusub lagu dhaariyay xarunta golasha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad kooban ka jeediyay fadhiga ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed isagoo intaas ku daray in xukuumadiisa Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, horrumarinta hannaanka federaalka, dib-u-heshiisiinta, hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, dardargelinta wada hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Ra’iisul Wasaare ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version