Friday, September 12

Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah muddo 2 sanno ah ku kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha iyagoo sidoo kalana muddo 5 sanno ah ku kordhiyay muddo xileedka golaha.

Golaha ayaa kal fadhi ay saaka ku yeesheen xarunta golaha guurtida ee Hargaysa, cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha iyo muddo xileedka guurtida.

Muddo kordhintan ayaa imaaneysa kadib markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland uu dhawaan sheegay in aanay doorashada ku qaban karin wakhtigii loo muddeeyay, iyagoo sheegay in ay muddo 9 billood ah ku qaban doonaan.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in aysan aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha ama golaha iyadoo aan si buuxda looga wada tashan.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version