Sunday, September 14

Magaalada Baydhabo ayaa wajaheysa xaalad go’doon ah, waxaana ciriiri galay nolosha dadka rayidka ah, kuwaas oo ku sugan xilli adag.

Gudaha Baydhabo, waxaa cirka isku shareeray, wax kasta oo muhiim u ahaa nolosha aaddanaha, waana caqabad bulshada magaaladaasi ay ehel u noqdeen.

Muddo todobaad ah ayey ku jiraan, go’doonka, welina wax war ah oo xaaladooda wax ka baddeleyso kama soo yeeray Koonfur Galbeed iyo Dowladda dhexe.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa baaq u diray dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ku taliyey in awood ciidan go’doonka looga saaro Baydhabo.

Go’doonka Baydhabo saaran ayaa dadka unugul waxaa kaalin weyn ugu jira qoysaska barakacayaasha ee magaaladaasi ku sugan, kuwaas oo lagu qiyaasay Nus Malyuun.

Arrintan ayaa sidoo kale hakisay isku socodkii gadiidka, waxaana adag in ay Baydhabo gaaraan gaadiidka wada rakaabka iyo kan sida badeecooyinka kala gedisan.

Horey, waxaa go’doon ugu jiray deegaanno badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin, degmada Waajid Diinsoor iyo Qansaxdheere, kuwaas oo muddo 15 sano ah go’doonsan.

Exit mobile version