Ghana waxay qorsheyneysaa in ay sameyso codsi ay ku dalbaneyso in loo soo gacan geliyo nin Ruushka u dhashay oo lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah u duubay kulammo galmo oo uu la yeeshay dhowr haween ah, isla markaana uu muuqaalladaas ku faafiyay internet-ka iyada oo aan oggolaansho laga haysan haweenkii uu la galmooday.
Warbaahinta Afrika iyo Ruushka ayaa aqoonsaday nin isku sheegay “farshaxan-yaqaan” oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir, kaas oo u safray Ghana si uu si qarsoodi ah u duubo xiriirka uu la sameeyay haweenka, Warbaahinta labada dal ayaa sheegay in ninka uu isticmaalay muraayadaha qorraxda oo kamero ku rakiban tahay si uu u duubo qaar ka mid ah kulammadaas, dabadeedna ku faafiyay baraha bulshada, inkastoo mas’uuliyiintu aanay xaqiijin arrintaas.
Wasiirka Teknolojiyadda ee Ghana, Sam George, oo la hadlayay saxafiyiinta ayaa sheegay in uu casuumay safiirka Ruushka si ay uga wada hadlaan dhacdadan la tuhunsan yahay, Wasaaradda Jinsiga, Carruurta iyo Daryeelka Bulshada ee Ghana ayaa mar sii horeysay sheegtay in baaritaan hordhac ah lagu ogaaday in ninka la tuhunsan yahay ay u badan tahay in uu dalka ka baxay,Wasaaradda waxay intaas ku dartay in arrintaasi “aysan yaraynayn culayska falka lagu eedeeyay ama masuuliyadda dowladda ee ah in ay raadiso sidii lagu heli lahaa isla-xisaabtan.”
Wasiirka Teknolojiyadda, George, wuxuu sheegay in uu ka codsaday safiirka Ruushka ee ku sugan caasimadda Accra iskaashi ay Moscow ka geysato sidii caddaalad loogu heli lahaa dhibbanayaasha, Wasiirku wuxuu Warbaahinta u sheegay: “Waxaan ku casuumay safiirka Ruushka ee Ghana kulan.”Falalka uu sameeyay muwaadinka Ruushka u dhashay wuxuu jabinayaa sharciyadeenna amniga internet-ka. Waxaan si rasmi ah ugu gudbin doonaa safiirka mowqifkeenna rasmiga ah.”
Si kastaba ha ahaatee, Ruushku ma dhiibo muwaadiniintiisa, balse waa jiraan xaalado gaar ah oo keena in ay dhiibaan, Horay ayuu wasiirka wariyeyaasha ugu sheegay, “Ninkaasi waa la raadin doonaa, waxaana hawlgelin doonnaa dhammaan adeegyadeena anagoo kaashaneynaa booliska caalamiga ee Interpol”.”Waxaan rabnaa in ninkaasi dib loogu soo celiyo Ghana, loona soo gacan geliyo dowladda si uu u wajaho sharcigeenna.”
George wuxuu sheegay in ninka la tuhunsan yahay la maxkamadeyn doonaan isagoo maqan haddii uusan ku soo laaban Ghana, Warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay in ninkan la tuhunsan yahay uu ku lug lahaa falal sharci-darro ah oo la mid ah kuwa Ghana ku eedeysay in uu ka galay gudaha Kenya.
Sida uu dhigayo Xeerka Amniga Internet-ka ee Ghana ee 2020, qof kasta oo daabaca sawirro qaawan oo carruur ama dad waaweyn iyada oo aan oggolaansho buuxa laga haysan, wuxuu wajihi karaa ilaa 25 sano oo xabsi ah, Mas’uuliyiinta Ghana ayaa kordhiyay dadaallada ay kula soconayaan tacaddiyada internet-ka, oo ay ku jiraan lacagaha baadda ee dadka laga qaado marka muuqaal laga duubo iyo khiyaamooyinka jacaylka. Sanadihii u dambeeyay waxaa kordhay tirada dadka loo xiray dambiyadaas, Sannadkii 2022-kii, maxkamad ayaa ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah nin 22 jir ah oo dayactira taleefoonnada. Ninka oo lagu magacaabo Solomon Doga waxa uu faafiyay sawirrada haweeney Lubnaan u dhalatay oo qaawan.
Wuxuu qirtay dambiyada la xiriira in uu lacag baad ah ka dalbaday iyo faafinta sawirro gaar ah iyada oo aan oggolaansho laga haysan qofka iska leh,Ghana waxay sidoo kale soo rogtay sharciyo cusub oo hoos imanaya Xeerka Amniga Internet-ka 2020 si loo ciqaabo dadka ku faafiya internet-ka sawirro ama muuqaallo dad qaawan, gaar ahaan muuqaallada haweenka iyo carruurta oo inta badan loo soo bandhigo ujeeddooyin aargoosi ama baad ah.
