Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii bishan August xabsiga u taxaabtay General Sheegow Axmed Cali, kaas oo ciidamo ilaalo u ah, ay dhac ka geysteen sida la sheegay degmada Dharkeenleey.

Generalka oo sida boolisku sheegeen ahaa Kabtan ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa dhowr mar la gaarsiiyey cabashada ciidamadiisa laga muujinayo, taas oo sida la tilmaamay uu dhag jalaq u siin waayey.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday 18- kii August, xilli fiidnimo ah, waxaana dagaal ciidamadiisa iyo kuwo xasilinta Muqdisho dhex maray u soo gebagaboobay cishadii ku xigtay oo ay taariikhdu ahayd 19-kii bishan, iyagoo isla maalintaas xabsiga u taxaabay Generalka.

Si kastaba xarigiisa wuxuu dhaliyey xiisad aad u ballaaran, waxaana beelaha Jareer weyne oo uu ka soo jeedo, ay qaban qaabiyeen bannaabaxyo ay ku diidan yihiin xarigiisa.

Bulshada uu ku abtirsado oo horey u muujinayey tabasho kala duwan, ayaa isku soo baxay, waxeyna si cad u sheegeen in sifo sharci darro ah lagu xiray Ganeralkooda.

Dowladda Soomaaliya wey ku adkaatay in ay ka jawaabto, cabashada ka soo yeereysa Beesha Jareer weyne, waxaan duqa Caasimada Madaalle oo bannaanbixi ay sameeyeen ka hadlay uu sheegay in aan la aqbali karin qabashada dibadbaxyo rabshado wato.

Sabtidii aynu ka soo gudunay ayey sidoo kale beelaha Jareerweyne isku dayeen in ay sameeyaan bannaabax ay xarigaasi uga soo horjeedaan, waxaase ka hor-istaagay booliska oo maalin ka hor soo saaray qoraal uu ku diidayo in dibadbax lagu qabto Muqdisho, taas oo u sababeeyey in ay amniga wax u dhibeyso.

Dhamaan dibadbaxyadii kala duwanaa ee ay dhigeen beesha Jareer weyne, waxaa ka soo gaaray khasaare aad u fara badan, waxaana beesha ay ka mid tahay kuwo ku dulman siyaasadda Soomaaliya ee ku dhisan nidaamka 4.5.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version