Alle ha u naxariistee waxaa xalay Qaraxii ka dhacay Maqaayada Blue Sky ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Taleefashinka Somali Caple Cabdifitaax Macallin Nur Qeys.
Weriyaha ayaa ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo ku shaaheyneysa maqaayadaasi, kuwaas oo qaarkood halkaasi ku geeriyooday halka kuwo kalana uu dhaawac ka soo gaaray.
Weriyayaasha Soomaaliyeed, ayey si aad ah u taabatay geerida Cabdifitaax Macallin Nur Qeys, iyagoo si xooggan ugu tacsiyeeyey, waxeyna alle uga baryeen inuu janadii udgooneyd ka waraabiyo.
Cabdifitaax Macallin Nur Qeys ayaa 15-kii sano ee ugu danbeysay ka mid ahaa weriyayaasha ka howlgal gudaha magaalada Muqdisho, waxaana iminka uu Agaasime ka ahaa Tv-ga Somali Caple.
Waxaa lagu wadaa in weriyaha maanta lagu aaso gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo in ay aaskiisa ka soo qeyb galaan inta badan bahda saxaafada Caasimada.
