Saturday, September 13

Barqanimadii maanta qarax noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo marayey deegaan ka tirsan Magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa marayey deegaanka Uunsi oo 17km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday 1 qof, waxaana ku dhaawacmay 3 kale, waxaana dhaawacyada la geeyey Isbital ku yaalla gudaha Baledxaawo.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka billaabay howlgallo lagu baadigoobayo kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Exit mobile version